Daawo Sawirada: Madaxweyne Geelle oo xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Jeneraal Bashiir Ameeriko iyo Saraakiil kale

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) iyo Saraakiil kale.

Kulanka Madaxweynaha dalka Jabuuti kula qaatay Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti G/sare Cabdullaahi Cabdi Faarax iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha iyo dowlada Jabuuti taageerada iyo tababarada ay siiyaan ciidanka booliiska Soomaaliya, waxa uuna xusay Taliyaha in Jabuuti kaalin muuqato ka qaadato dhismaha ciidanka booliiska.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa balan qaaday in dowladiisa taageero balaaran siin doonto ciidanka booliiska Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in ay kordhinayaan tababarida iyo qalabeynta ciidanka booliiska Soomaaliya.

Dalka Jabuuti ayaa gacan weyn ka geesta tababarida ciidanka Soomaaliya gaar ahaan ciidanka booliiska, waxaana dalkaasi xiliyo kala duwan tababaro loogu soo xiray Kumanaan katirsan ciidanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -